C/kariin Guuleed oo ku dhawaaqay saddex tallaab oo ay qaadi doonaan haddii….

Madaxweynihii hore ee Galmudug ahna Musharax Madaxweynaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo xalay ka qeyb galay barnaamij dood ah oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka dhawaajiyay qorshayaal u degsan, haddii dowladda Federaalka ku adkeysato tallaabooyinkeeda ku aadan doorashada.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in haddii uu sii socdo is mari waaga taagan ay shirweyne isugu imaan doonaan dowlad goboleedyada iyo Musharaxiinta.

Waxaa uu xusay inay sidoo kale u bannaan tahay madal cusub oo looga hadlayo hannaan doorasho, loogana heshiinayo saddex qariirood oo la sameynayo.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay sameyn doonaan dowlad dalka gaarsiisa doorasho.

“Waxaa noo bannaan haddii xaalka barako ma leh gaarto oo caqliga talin waayo hannaan kale oo doorasho ah”ayuu yiri C/kariin Guuleed

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay doonayaan hoggaan ku yimid si nabad ah, si xaq oo xalaal ah, si la mid ah sidii shalay Madaxweyne Farmaajo ku yimid oo shacabka ay soo dhoweeyeen.