C/kariin Guuleee “Qof walboow kaalintaada dagaalka ka qaado. Qori, qalin, qarash ama qeylo dhaan”

Sept. 23 (Jowhar.com)-Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaano kamida maamulada Hirshabelle iyo Galmudig.

“Waxaan boggaadinaya dadweynaha deegaanada Hirshabeelle iyo Galmadug ee go’aansaday iney gunnimada iska dulqaadaan, deegaanada kale ee ayaguna abaabulka ku jira waa ku dhiiri galinayaa waana bogaadinayaa. Waxaa sidoo kale bogaadin iyo amaanba mudan ciidanka Xooga Dalka ee jiida hore ka dagaalamaya iyo madaxda labada heer maamul oo iyaguna muujinaya kaalin wax ku ool ah. Ummaddeenu intaan ka badan ma xamili karto Al Shabaab. Waa inaan aaminaa, kana dhabeyna in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa argagixisadda” ayuu yiri Guuleed.

C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay in wadajir looga qeyb qaato duulaankan oo aanlaga dhiigin mas’uuliyad dad gaara saaran, wuxuuna adkeeyay muhiimaa ay leesahay in midow lagu wajaho kooxdan.

“Siyaasiyiinta waaweyn ee aan xilalka heynin, ganacsatada, aqoonyahanka, qubajoogta Soomaaliyeed iyo dhammaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqaya in dagaalkan loo midoobo oo aan laga dhigin masuuliyad saaran cid gaar ah. Waa lagama maarmaan ah inaan maanta muujino MIDNIMO QARAN, umaduhuna marxaladahaan oo kale waxay kaga gudbaan midnimadaas iyo isku duubnidaas” ayiuu hadalkiisa sii raacitay.

Sababta xiligan keenay in meel looga soo wada jeesto kooxdan ayuu ku sheegay iney tahay diidmada kooxdan ee Qaranimada Soomaaliyeed iyo dilalka ay shacabka u geysanayaan.

“Al Shabaab waxey diidanyihiin jiritaanka Qaran Soomaaliyeed. Qofkii diida jiritaanka Qaranimadaada wuxuu diiday qofnimadaada. Shabaab waxaa dil ugu xukuman qof walba oo Soomaaliyeed oo damiir iyo faham leh, mana jirto sabab aan u bixino fursad ay dhammaanteen nagu laayaan oo ay Dalka iyo Dowladnimada ku bur buriyan” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dnabeyntii, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qoraalka uu ku soo daabacay bartiisa Facebook ugu baaqay shacabka in hubka la qaato oo laga faa’ideysto tabar darida xiligan ee Al-Shabaab, maadaama gukuf ka dhan ah ay gobolada ka socdaan.

“Qof walboow kaalintaada dagaalka ka qaado. Qori, qalin, qarash ama qeylo dhaan wixii aad awooddo” ayuu qoraalkiisa ku soo xiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More