C/raxmaan C/shakuur “Kacdoonka shacabka ee Hiiraan waa natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii….”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne, kaddib markii saaka banaan bax rabshado wata ay dhigeen dadweynaha magaalada, iyagoo waddooyinka qaar dhagxaan iyo taayaro ku gubay.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu horay ugu baaqay in dib u heshiisiinta laga hormariyo doorashooyinka Hirshabelle, balse hoggaanka dowladda Federaalka ay dhagaha ka fureysteen taladaas.

Waxaa uu sheegay in kacdoonka shacabka ee Hiiraan ka taagan ay tahay natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii la iska indha tiray, sidoo kale waxaa uu xusay inay tusaale hordhac u tahay mugdiga ku soo wajahan dalka.

“Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur

Ugu dambeyn waxaa uu ku baaqay in maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Hirshabelle  inay si mas’uuliyad leh isaga xil saaraan xal u helida mushkiladda ka taagan Gobolka Hiiraan.