Cabdi Xaashi oo ku taageeay Maamulka Puntland in shirka doorashooyinka lagu qabto Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka uu ku baaqay Farmaajo in lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirkaasi uu codsanayo inay goobjoog ka ahaadaan Ururada bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka si looga arrinsado badbaadada dalka heshiisna looga gaaro habraacyada lagu meel marinayo doorashooyinka loo madlan yahay.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ku baaqay in la wada ilaaliyo nabad galyada iyo xasilloonida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay guddoomiyaha Aqalka Sare;