Cabdikariin Guuleed;”Dowlada Federalka waxa ay dayacday Amniga Guud ee Dalka.”

Hoggamiyaha xisbiga Sahan kana mid Xubnaha Midowga musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada amniga dalka isagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay dayacay Amniga Guud ee dalka.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxa uu musharax Guuleed ku sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay xoogeyteen weerarada qaraxyada iyo dilalka,kadib markii isla markaana markii madaxda iyo saraakiishii amnigu ay ku mashquuleen arrimaha siyaasadda iyo doorashada.

Halkan ka aqriso qoraalka uu soo dhigey barta Facebook;

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka gaar ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay iney si weyn usoo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisadaha ah. Waxaan ka tacsiyeynaya dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Markii madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquulaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada, waxa la filan karo waa iney cadowgu ka faa’iideystaan dayacaas jira.

Dowladda Federaalka ah waxaan usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amniga shaqadooda si ay uga hortagaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho. Waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka. Waxa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo u baahan in laga hortago, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.

Sidoo kale dadka reer Muqdisho waxaan ugu baaqaya iney si miir-qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.