Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku tilmaamay doorashada dalka “Sharaf Dhac Qaran”

1,352

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa naqdiyay doorashada ka socota dalka Soomaaliya isagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharaf dhac qaran ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bartiisa facebook soo dhigey qoraal kooban ayaa waxa uu ku sheegay in dalka aysan ka socon doorasho, waxana uu ku baaqay in shacabka ay u diyaar garoobaan waxa uu ugu yeeray ‘sidii ay dulmiga iyo heeryada dulliga u diidi lahaayeen.’

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo dhigey bartiisa Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Doorasho tartankeeda loo diiday Prof Jawaari oo dalka wuxuu u soo taray la ogyahay, Yaasiin Fareey oo la tuhunsane ahna xildhibaan looga soo dhigay, ma ah boob doorasho oo keli ee waa sharaf dhac qaran, in la is quusiyo, dadkana la kala dooransiiyo “i dooro ama aan ku dilo”.

“Waxaan xusuusinayaa kuwa foolxumada iyo fadeexada intaa la eg ku kacaya ama ka marqaati kacaya, iyagoo Farmaajo ugu abaal gudaya in ay dadnimadooda, damiirkooda iyo qarankaba dhaawaceen. Waxaana hubaal ah in ay meelmari doonin, dulmiguna uusan waari doonin. Doorasho ma jirtee, shacabka Soomaaliyeed waa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dulmiga iyo heeryada dulliga u diidi lahaayeen.”