Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo nin xoog ku haysta dalka

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa war ka soo saaray wadooyinka xiran maanta ee magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Musharax C/raxmaan C/Shakuur waxaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu waddooyinka ka xirtay 15 Xildhibaan oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka joojiyay fadhiyada Baarlamaanka.

Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur;

Farmaajo maanta wuxuu wadooyinka u xiray in uu 15 Xildhibaan Golaha Shacabka ka celiyo.

Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa. Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen.Xigtadiisa iyo saaxibadiina sidaa ayey halyeynimo u arkaan, waana ku taageersan yihiin. Ninkaas doorasho lala galo ma taalo ee waa in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa.