Cabdiraxmaan Odowaa oo loo doortay markale xildhibaan Golaha Shacabka

Mar 13 (Jowhar.com) – Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (odawaa) ayaa ku guuleystay kursiga HOP 069 kadib Markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay doorashada ka socota magaalada Gaalkacyo.

Musharaxii la tartamayay Cabdiraxmaan Odowaa oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Maxamed ayaa sheegay in uu ka tanaasulay musharaxnimadiisa.

Kursigan HOP 069 oo uu hore u sheegay inuu u tartamayo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa habeen hore ku dhawaaqay inuu isaga haray doorashada uuna taageerayo Cabdiraxmaan Odowaa.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda maanta doorashada labo kursi oo kale kuwaasoo ah doorasho adag maadaama ay ku tartamayaan musharaxiin gaareysa 9 kuwaasoo qaatay shahaadada musharaxnimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More