Cabdiraxman Alcadaala oo sheegay inuu u tanaasulay Xildhibaan Odowaa

Mar 12 (Jowhar.com) -Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada federalka Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala ayaa ka tanaasulay u tartamida kursiga #HOP069 isagoo sheegay inuu u tanaasulay C/raxmaan Odowaa oo afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursigan.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu C/maan Alcadaala oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay olole xoog leh ka waday magaalada Gaalkacyo ku shaaciyay tanaasulkaas.

“Waxaan halkan ugu hambalyeynayaa Adeerkey Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo noqonaya xildhibaanka i matali doonaafarta sano ee soo socota Inshalah,”ayuu ku yiri qoraalkiisa C/maan Alcadaala oo aan sheegin sababta rasmiga ah ee uu u tanaasulay.

cabdiraxman alcadaala oo sheegay inuu u tanaasulay xildhibaan odowaa

 

Waxaana xalay saqdii dhexe uu C/raxmaan Al Cadaalla ugu dambeyn hoygiisa ugu tagay adeerkiis Xildhibaan C/raxmaan Odowaa, si uu ugu hambalyeeyo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa soo dhaweeyay tanaasulka uu sameeyay wasiir Alcadaala waxana uu bartiisa ku daabacay inuu u mahadcelinayo wiilkiisa sida uu ugu tanaasulay.

cabdiraxman alcadaala oo sheegay inuu u tanaasulay xildhibaan odowaa

Kursigan ayaa la rumeysnaa in tartan adag uu dhex mari doono Alcadaala iyo Odowaa hase yeeshee waxaa uu muuqdaa haatan in uu tartankaasi dhici doonin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More