Cali Guudlaawe, Jen Odowaa iyo mas’uuliyiin kale oo gaaray Masjid Cali Gaduud.
Nov. 04 (Jowhar.com) -Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe oo ay wehliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Masjidka Cali Gaduud kusoo dhoweeyay Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, isagoo kormeeray qeybaha kala duwan ee deegaanka.
Guudlaawe oo xirtay dharka milatatiga waxa uu bogaadiyay guulaha laga gaaray howglalada lagu ciribtirayo Shabaab oo marwalba u taagan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa dhiira gelin u sameeyay ciidamadda, wuxuuna faray iney adkeeyaan ammiga, Shabaabna laga saaro guud ahaan deegaanada kale ee gobolkaasi ka joogaan.