Cali Jeyte oo digniin adag u diray dadka dhigta Isbaarada Shacabka lagu dhibaateeyo.
Dec. 03 (Jowhar.com) -Gudoomiyana gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan ayaa digniin adag ka soo saaray dadka dhigta isbaarooyinka lagu dhibaateeyo dadka ku safra wadooyinka gobolkaasi.
Mr. Jayte oo suxufiyiinta kula hadlay deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in si lamid ah Shabaab ay ula dagaalamayaan dadka dhibaatada u geysta dadka musaafurka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu naftiisa u huri doono ciribtirka arrintaas.
Cali Jayte ayaa dhinaca kale raga dhigta jidgooyooyinka u diray fariin ah iney ciidamadda dagaalka kula jira Shabaab ay kusoo biiraan, halkaasoo u noqon karta fursad ay nolol maalmeedkooda uga dabaran karaan.
“Islaanimadeyda ayaa gaasir ah oo nin muslim ah ma ihi hadii aan aqbalo in Isbaaro la dhigto, War burcadow, kuwa jidka galayow ilmo adeer yaalow na kala bad-baadiya soo gala ciidamada iyo dagaalka socdo” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.
Gobolka Sh.Dhexe oo deris la ah Hiiraan ayaa waxaa laga cabanayaa jidgooyo xad dhaaf ah oo shacabka lacago tiro beel ah looga qaato, waxaana todobaadkii hore Balcad lagu dilay Darawal isbaaro lacag looga qaadanayay, Muqdisho iyo Balcad kaliya waxaa taala 11 jidgooyo.Cali Jeyte oo digniin adag u diray dadka dhigta Isbaarada Shacabka lagu dhibaateeyo.