CCShakuur:”Haddii uu Farmaajo xammili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho u galayaa”

boor

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowlada federalka in ay fujiyeen boorar uu ku dhegsaday Muqdisho oo uu ku muujinayay in uu yahay Musharax Madaxweyne.

“Haddii uu musharrax Farmaajo xammili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho ugu adkaysan karayaa.”ayaa ka mid ahaa ereyadii lagu soo daabacay bogga facebooga ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa uu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan gabood fal uu sheegay in loo geystay.

War uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa sidan;

Waxaan canbaareynayaa gabood falka ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ku fujiyeen boor ku dheganaa ka soo horjeedka xarunta Baarlamaanka, oo lagu soo bandhigay sawir muujinaya musharraxnimada xilka Mdaxweynimo ee aan sannadka 2021-ka u taaganahay. Ciidanka ayaa shirkaddii boorarka lahayd u sheegay in uu amar kaga yimid Madaxtooyada.

Naguma cusba dulqaad la’aanta musharrax Madaxweyne Maxamed Farmaajo, waxayse tani tijaabo ku tahay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta loolan ay u simanyihiin musharraxiinta xilka u tartamaya ee u Madaxweyne Farmaajo ka mid yahay.

Haddii uu musharrax Farmaajo xammili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho ugu adkaysan karayaa. Tani waxay cashar horu dhac ah u tahay waxa uu maagan yahay musharrax Madaxweyne Maxamad Farmaajo.

Waxaan ugu baaqaynaa taageerayaasheyada, musharraxiinta kale, saxaafadda, bulshada rayidka iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay falkan gurracan si isku mid uga dhiidhiyaan.