Ciidamada AMISOM oo ka baxay magaalada Afgooye

Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee muddo dheer ku sugnaa gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta ka guuray iyadoo saldhigyadii ay ka joogeen magaaladana ay la wareegeen ciidamada milatariga Soomaaliyeed.

Munaasabad ay ku wareejinayeen xeryaha ciidamada magaalada Afgoye ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka, janaraal Maxamed Tahliil Biixi, ku xigeenka taliyaha AMISOM, taliyaha qeybta 12 Abrill ee xoogga dalka, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka dhulka Janaraal Tahliil ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maanta ay AMISOM kala wareegaan amniga degmada Afgooye, isagoo AMISOM ugu mahad celiyay gacantii ay ku laaheeyn sugidda ammaanka Soomaaliya.
Ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM General Shume ayaa sheegay in talaabadan ay ku jirtay qorshaha kala guurka oo dhigayay in ciidanka xoogga dalka ay la wareegaan mas’uuliyadda ammaanka dalka.