Ciidamada AMISOM oo ka baxay Marin Gubaay iyo Alshabaab oo la wareegay

shab

Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM oo ka baxay shalay deegaanka Marin Gubaay ee ka tirsan degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa saldhiggii ay ka baxeen waxaa la wareegay dagaalamayaasha Alshabaab.

Saldhigan oo u jira 40km magaalada Baraawe ayaa ah goob muhiim ah oo ay ku yaalan ceelal ay xoolo dhaqatada xoolahooda ka waraabiyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay inay ahayd in ciidamada dawladda Soomaaliya ay beddelaan kuwa AMISOM balse aysan dhicin ayna u fududaatay Alshabaab inay si fudud fariisin uga dhigtaab Marin Gubaay.

Ciidamada AMISOM ayaa waxa ay sheegeen in sababta ay uga baxeen Marin Gubaay ay tahay aag beddelasho ciidan.

Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sidan oo kale markii ay isaga baxeen ciidamada AMISOM waxaa la wareegay dagaalamayaasha Alshabaab.