Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay nin iska tuuray waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu is qarxiyo

Ciidamada Amniga ayaa maanta gacanta ku dhigay nin watay waxyaabaha qarxa oo doonayay inuu isku xiray maqaayad ku taala Mogadishu Mall ee degmada Xamar weyne.

Ninkan ayaa iska tuuray waxyaabaha qarxa, kaddib markii ay ka shakiyeen ilaalada maqaayada, isagoo doonayay inuu gudaha u galo, balse dhagartiisa lagu fahmay.

Ciidamada Amniga oo ninkan ceyrsanayay ayaa markii dambe waxyaabihii qarxa iska tuuray, isagoo ku tuuray dhanka Saldhigga Xamar weyne oo ay markii dambe ku qaraxday.

Taliye ka tirsan Sadhigga Xamar weyne ayaa ku dhaawacmay qaraxa, iyadoo ninkii doonayay inuu is qarxiyo la qabtay.

Xaalada goobta ayaa ah mid degan, waxaana la filayaa in Hey’addaha Amniga ay war ka soo saaraan, kana hadlaan dhacdadan.