Ciidamada Booliska Cabudwaaq oo qabtay nin lagu tuhunsan yahay in uu dil iyo kufsi geystey

Ciidamada Booliska ee dagmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu fal Kufsi iyo dil ka gaystay magaalada Caabud-Waaq.

Ninkan la qabtay oo magaciisa lagu sheegay Jaamac Maxamed Yuusuf ayaa loo haystaa dilka Allaha u naxariistee Ubax Maxamed Macalin Yaxye oo xalay lagu dilay duleedka dagmada Caabudwaaq.

Meydka gabadhan oo lahayd uur sadex bil ah ayaa laga soo helay duleedka magaalada Cabudwaaq.

Taliyaha saldhigga Booliiska Caabudwaaq Dhamme Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay in ay ruuxa ay gacanta kusoo dhigeen ay ku tuhunsan yihiin in ka dambeeyay dilka Ubax Maxamed Yaxye, isla markaana baaritaan ay ku sameyn donaan.

Falalka kufsiga iyo dilka lagula kacayo haweenka ayaa ku soo badanaya deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya iyadoo hore falal kufsi iyo dil isugu jira ay uga dhaceen magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Burco,Gaalkacyo iyo qaar kale.