Ciidamada Dowlada iyo AMISOM oo dib ula wareegay degmada Raagge Ceelle

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa dib ula wareegay degmada Raagge Ceelle oo ay saaka gudaha ugaleen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Ciidamadan ayaa si nabad ah dib ugula wareegay magaalada kadib markii ay dagaalamayaasha Alshabaab ay isaga baxeen.

Wararka ayaa sheegaya in xaalada degmadu ay degen tahay oo ay caadi ku soo laabatay goobaha ganacsigana dib loo furay.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa duleedka iyo tuulooyinka u dhaw deegaankaas ka wada howlagallo ka dhan ah Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga oo la hadlay weriye ka tirsan Jowhar.com.

Ururka Alshabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaq ciidan ka waday deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe waxana ay la wareegeen tuulooyin iyo dhul ballaaran oo ka mid ah dhulka miyiga ee u dhexeeya degmada Jowhar iyo degmada Raagge Ceelle.