Ciidamada Dowlada oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee magaalada Guriceel

2,889

Wararka ka imanaya Guriceel ayaa sheegaya in ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug ay la wareegeen Saldhigga booliska iyo xarunta deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyadoo gaadiidka dagaalka ciidamada dowlada ay ku sugan yihiin wadooyinka waweyn ee magaalada Guriceel.

Inkastoo ay ciidamada dowlada la wareegeen xarumaha muhiimka ah ayaa hase ahaatee waxaa weli la maqlayaa dhawaaqa rasaas ay is weydaarsanayaan labada dhinac ee ku dagaalamaya magaalada Guriceel.

Dagaalka oo saaka waaberigii bilowday ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dhinacyadii dagaalamayay iyo weliba dad rayid ah.

Qaar ka mid ah dhismooyinka magaalada ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaceen madaafiicda la is weydaarsanayay iyadoo uu dab qabsaday mid ka mid ah dhismayaasha magaalada.

Ururka Ahlu Suna ayaa si nabad ah kula wareegay 1dii bishan Oktoobar hase yeeshee waxaa tan iyo xilligaasi socday dadaalo lagu doonayay in laga baaqsado dagaal.

Dhinaca kale iskahorimaad hubeysan ayaa waxaa ku dhex maray meel ku dhow degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ciidamo ka tirsan qeybta 27aad iyo maleeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunna,iskahorimaadkaas ayaa la sheegay inuu ku dhintey mid ka mid ah maleeshiyaadka Ahlu Sunna oo wadada u galay ciidamadan oo ku sii jeeday magaalada Guriceel.