Ciidamada Itoobiya oo magaalooyin kala wareegay TPLF

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Ciidamadeeda ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan Gobolka ay maamusho TPLF.

Magaalooyinka lala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Aksum iyo Adwa, waxaana ay dowladdu sheegtay in maleeshiyaadkii kula dagaalamayay ay is dhiibeen.

Ma jirto wax ka madax banaan sheegashada dowladda, iyadoo isgaarsiinta iyo internet-ka gobolka uu yahay mid go’an muddo labo todobaad.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Abiy Ahmed ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay ku sii siqayaan magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray.

Dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa galay 17 maalmood, waxaana muuqata in Jabhadda Tigreega ay aad u xooggan yihiin oo ay is difaac adag ku jiraan.