Ciidamada Puntland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Buuraha Golis

Wararka ka imanaya Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Buuraleyda Golis ee gobolka Bari ciidanka loo yaqaan PMPF lagu diley dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in howlgalkan lagu soo furtay hun nooca fudud ah iyo qalab kale, oo ay u isticmaali jireen dagaalka, sida ay sheegeen saraakiil u hadashay ciidamada gaarka ah ee PMPF.

Howlgalkan ayaa saraakiishu sheegeen inay ku soo qabteen qaar ka mid ah maxaabiistii dhowaan lagala baxay xabsiga magaalada Boosaaso.

Howlgalkan ay ciidamada Puntland ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari, ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay sheegeen inay ka furteen 400 oo maxbuus.