Ciidamada Tigreega oo duqeeyay Caasimadda deegaanka Amxaarada

Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in caasimadda Gobolka Amxaarada ee Bahar Dar iyo magaalada kale ee Gondor xalay gantaalo lagu weeraray.

Ciidamada Tigreega ee TPLF ayaa gantaalo ku weeraray magaalooyinkaas oo ah dhulka amxaarada oo aheyd goobaha gulufka dagaal ay ka soo qaaday dowladda Dhexe ee Itoobiya.

Gantaalada ayaa xalay la maqlay abaarihii 11-kii habeenimo, sida ay ku waramayaan warbaahinta caalamiga, inkastoo ay adag tahay in la helo warar madax bannaan, maadaama qadka isgaarsiinta iyo adeegga taleeefanka ay go’an yihiin.

Labadii todobaad ee u dambeeyay ayaa waxaa dagaalo ka socday deegaanada ku teedsan xadka ay wadaagaan deegaanada Amxaarada iyo Tigreega, waxaana dagaaladaas u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Itoobiya iyo Maleeshiyo daacad u ah Tigreega.

Kumanaan ruux ayaa ku barakacay dagaalada ka socda Gobolka Tigreega, waxaana xaalada ka jirta la sheegay inay tahay mid go’doon ah.

Xiisada dagaal ee ka jirta Itoobiya ayaa weji cusub sii yeelaneysa, waxaana Maamulka deegaanka Tigreega ay ku eedeeyeen in dagaal labo jiho ay ku soo qaadeen Ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Eritrea.