Ciidanka Kumaandooska oo howlgal qorsheysan ku dilay Sarkaal Al-Shabaab ah

Ciidanka Kumaandooska ee DANAB ayaa howlgallo qorsheysan ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose.

War ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Carabow oo 50KM u jira degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo magaciisa lagu sheegay Xasan Sufiyaan Qooreey.

Ma jirto war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku saabsan weerarka ay Ciidanka Kumaandooska sheegeen inay ka fuliyeen deegaan ka tirsan degmada Bu’aale oo ka mid ahaa goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska ee DANAB ayaa howlgallo ka fuliya deegaanada Shabaab, iyagoo adeegsada xeelado kala duwan sida diyaarado ay hawada sare uga soo daateen iyo weeraro qarsoodi ah.