Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB ayaa howlgallo qorsheysan ku burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaano ka tirsan Shabeellooyinka iyo Hiiraan.
Howlgaladan ayaa lagu qabtay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaacisay warbaahinta Ciidamada qalabka sida ee SNA Radio.
Taliyaha Ururka 4aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan ayaa u sheegay Idaacadda codka ciidamada in howlgaladaas lagu soo qabtay Madaxii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf Cali, Madaxii sakawaadka Gobolada Shabeellooyinka C/llaahi Isaaq Xuseen.
Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Taliyahan, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab.
Ciidanka Kumaandooska ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliya deegaanada Al-Shabaab, waxaana Ciidamadan uu tababaray Milateriga Mareykanka howlgalada ay fuliyaan ka caawiya Ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.