Cudurka Covid-19 oo dad badan ku diley gobolka Galgaduud

Cudurka Covid 19 ayaa ku sii fidaya deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud iyadoo dad badan uu ku diley deegaanka Xeraale.

lllaa 15 qof ayaa maalmihii lasoo dhoofay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ugu dhintay xanuunka COVID-19, halka 20 kalana ay hadda cudurka u jiifaan.

Guddoomiyaha Xeraale Bashiir Daahir Dhagabadan ayaa sheegay in degaanka xeraale uu cudurka ku hayo halis badan, isla markaana degaanka uusan laheyn isbitaal gaar ah oo lagula tacaalo dadka uu hayo cudurka.

Degmada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa dad gaaraya 30 ruux ugu dhinteen cudurka safmarka ah ee COVID-19, waxaana cudurka u dhintay dad badan halka kuwo kale ay la jiifaan .

Deeganka Xeraale ayaa ka mid ah meelo badan oo dalka Soomaaliya ah oo bilihii tegay uu cudurka si darran ugu faafay, inkasta oo hadda dalka la keenay tallaalka COVID-19.