Daacishta Soomaaliya oo dagaal uu ka dhex bilowday

Wararka ka imanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in Iska hor imaad xoogan ayaa dhexmaray ururka Daacish ee ka dagaalamaya qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 3 dagaalame halka tiro intaa kabadana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa ka dhacay Buuraha Maksid ee degaanada Gobolka Bari ee Maamulka Puntland.

Waxayna wararka sheegayaan in uu khilaaf xoog leh uu ka dhex jira dagaalamayaasha Daacish iyadoo labo qeyb ay u kala jabeen.

Khilaafka kooxdan ayaa ka dhashay cidii badali lahayd hoggaamiyaha kooxdaan Cabduqaadir Muumin oo 80 sano jir ah.