Dabley ka tirsan Al-Shabaab oo xalay weeraray bar ciidan ku taal gudaha Muqdisho

Waxaa habeenadii la soo dhaafay ku soo kordhay magaalada Muqdisho weeraro nooc cusub ah kooxo hubeysan ka ku qaadayeen baraha koontarool ee Ciidamada Amniga.

Weerarkii u dambeeyay ayaa xalay ka dhacay Waaxda Barwaaqo ee degmada Wardhiigley, halkaasoo fariisin ku leeyihiin ciidamada amniga.

Dableyda hubeysan oo gaari wadatay ayaa qoriga RBG ku tuuray, iyagoo kaddib rasaas oodda uga qaaday.

Is rasaaseyn socotay muddo daqiqado ah ayaa dhex martay Ciidamada amniga iyo kooxdii hubeysneyd ee ka tirsaneyd Al-Shabaab.

Gaari ay wateen kooxdii weerarka geysatay ayay goobta uga carareen, waxaana gaarigaas nuuciisa ahaa Nooha.

Habeen ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale kooxo hubeysan ay weerar ay u adeegsadeen qoriga RBG iyo qoryaha fudud ku qaadeen bar ciidamada amniga ku leeyihiin agagaarka Carafaat, halkaasoo is rasaaseyn muddo socotay ay ka dhacday.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii xalay iyo midkii habeen hore.