Dagaal culus oo ka socda xaafado ka tirsan degmada Kaaraan

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan milateriga ayaa ka socda Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan, iyadoo dagaalkan uu salka ku haayo muran la xiriira dhulka kaawada ee ku yaalla agagaarka Kawaan Bari.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu u dhaxeeyo ciidamo ay kala wataan labo sarkaal ka tirsan ciidanka milateriga, kuwaasoo isku haya muran ka dhashay dhulka ku yaala aagga kawaan Bari.

Dagaalka ayaa la isu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan gaadiidka dagaalka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Kaaraan ayaa sheegaya in dagaalka xooggiisa uu ka socdo wadada Mirinaayada ee aada Isbitaal Keysaney.

Ciidamada dagaalamaya ayaa hab bellied u abaabulan waxaana kala wata labo sarkaal lagu kala magacaabo Cusmaan Xaadoole iyo Joore.

Illaa iyo hadda lama iga khasaaraha dagaalka, inkastoo la sheegayo inuu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada ciidan ee dagaalamaya.