Dagaal ka bilowday deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ee maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidamada Milatariga iyo kuwa Al-Shabaab uu ka qarxay deegaankaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay maqlayaan jugta hubka culus, kuwa Gaadiidka Dagaalka & Qoryaha fud-fudud, inkasta oo aysan xaqiijin waxyeelo ka dhalatay dagaalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in tuulooyinka u dhaw Deegaanka Bulacle ay dadkii degenaa ay ku barakaceen.

Ciidamada Dowlada Federalka Soomaliya ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan kawada deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud, mas’uuliyiinta Galmudug ayaa sheegay in uu bilawday howlgal ka dhan meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.