Dagaal xoog leh oo ka bilowday degmada Cabdulcasiis

Dagaal xoog leh ayaa ka socda degmada Cabdulcasiis gaar ahaan aagga ay degen yihiin Musharaxiinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Dagaalka oo hub xoog leh la isu adeegsanayo ayaan la ogeyn cida uu u dhexeeyo,waxaana dagaalka uu saameyn weyn ku yeeshay dadka ku nool agagaarka halka uu ka socdo.

Xabadaha ayaa laga maqlayaa meelo fogfog,iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka.

kala soco wixii faahfaahin ah jowhar.com