Dagaal xoog leh oo ka socda gudaha magaalada Guriceel

1,953

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoog leh oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka socda gudaha magaalada Guriceel.

Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeya ciidamada dowlada Fedaraalka iyo kuwa maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu xooggiisu ka socdo dhinaca Waqooyi ee magaalada waxaana jira qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac iyo weliba dad rayid ah soo gaaray.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Anas Cabdi Macalin oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen inta badan gacan ku heynta magaalada Guriceel.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa doonaya in si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta magaalada Guriceel, kadib ururka Ahlu Sunna oo dagaal la’aan kulka wareegay 1dii bishan Oktoobar.