Dagaalame Shabaab ah oo askar Kenyan ah ku laayay gudaha xeradooda.

Nov. 22 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar lagu dilay askar ka tirsan ciidmadda Kenya ee ka howlgalla gudaha Soomaaliya, iyadoo weerarkan ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in weerarkan oo ka dhacay xadka Jubadda Hoose uu la wadaago Kenya lagu dilay Saddex aksari oo Kenyan ah, halka lagu dhaawacay Shan askari oo kale, waxaana fuliyay hal qof oo hubeysan kaasoo rasaas ooda uga qaaday ciidamadda Kenya kadib markii uu si farsameysan gudaha ugu galay xerada.

“Waxaan aaminsannahay in ninka hubeysan uu muddo tijaabinayay weerar noocan oo kale ah. Waa inaan taxaddar badan muujinaa oo feejignaanaa,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidamada Kenya.

Ciidamadda Kenyanka ah ayaa ugu danbeyn toogtay ninkan hubeysan, waxeyna saraakiisha dalkaasi ay askartooda farayaan iney laba jibaaraan adkeynta amnigooda, maadaama ay dhawdahay dabaal dagyada sanadka cusub.

“Innaga oo ku dhowaaneynaa dabaal-dagyada dhammaadka sanadka, waxaan u baahannahay inaan aad uga feejignaano agagaarkeena. Khatarta argagixisanimo weli waa mid baahsan, waana in la qaadaa tallaabo kasta oo lagu xakameynayo qorshahooda.” ayuu yiri sarkaalkan magaciisa qariyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More