Dagaalka Itoobiya: Ciidanka Xoraynta Oromada oo ku sii wajahan Addis Ababa

1,374

Dagaalada ayaa weli ka socda dalka Itoobiya, halkaasoo kooxaha mucaaradka ay ku sii siqayaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Iyadoo wax badan laga sheegay jiida hore ee woqooyiga, oo ay ciidanku dagaal kula jiraan ciidamada difaaca Tigray-ga (TDF), haddana koox kale oo hubaysan, oo gacan saar la leh Tigreega, ayaa ka dagaalamaya koonfurta iyo galbeedka dalka.

Ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa hadda gacanta ku haya dhul baaxad leh. Isku soo wada duuboo, TDF iyo OLA waxay qorsheeyeen inay xukunka ka tuuraan oo ay caasimadda qabsadaan.

Dawladdu waxa ay kooxahan fallaagada ah ku eedaysay in ay gaysteen dambiyo ka dhan ah dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin xasuuqyo dhawr ah. Wariyaheena gobolka ayaa warbixintan noo soo diray ee halkaan hoose ka daawo Video gaan.