Danjiraha cusub ee Sweden oo warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo

221

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Boqortooyada Sweden u soo magacawday Soomaaliya Mudane Per Lindgarde.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Per Lindgarde oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Lindgarde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi, is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada.

Lindgärde ayaa waxa uu hore uga soo noqday safiir wadamo badan waxana uu ahaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay safiirka Sweden u fadhiya Uganda,sidoo kale waxa uu hore u soo noqday safiirka Nigeria.

Wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradaha Sweden ee Nairobi iyo Addis Ababa, iyo sidoo kale wakiil Sweden u jooga Geneva. Waxa kale oo uu soo noqday Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, wuxuuna La-taliyaha gaarka ee Geeska Afrika ka noqday Wasaaradda Arrimaha Dibedda.