DEG DEG: Qarax xooggan oo goordhow ka dhacay Muqdisho iyo wararkii u dambeeyay…

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Gelato Divino oo ah goob maqaaxi oo laga cunteeyo, kana soo horjeedo Sahal Terminal.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaana la sheegayaa in qof ku xirnaa jaakadaha qarxa uu isku qarxiyay maqaayada.

Khasaare kala duwan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxa.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa ah goob dhalinyarada aad ugu badan yihiin, sidoo kale waxaa ka ag dhow Koontaroolka koowaad ee laga sugo amniga Garoonka diyaaradaha.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.