Dhalinyaro ciidanka ku biireysay oo lagu weeraray magaalada Muqdisho.
Dec. 14 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo lagu weeraray dhismaha isbitaalka Xoogga oo ku yaallo degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Sida wararku sheegayaan, weerarkan oo loo adeegaaday laba Bam gacmeed ahaa lagu tuuray gudaha isbitaalka oo xiligaasi ay ka socotay qorista dhalinyaro dooneysay iney kamid noqdaan ciidamadda xoogga dalka.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay iney arkeen dhaawacyada sagaal ruux oo isugu jirta askar iyo qaar kamid ah dhalinyaradii ciidanimada qoraneysay, kuwaasoo loola cararay xarumaha caafimaadka, waxaana qaraxyada kadib la maqlay rasaas culus.
Ciidamadda amaanka oo sameeyay howlgal balaaran ayaa ku fashilmay iney gacanta kusoo dhigaan kooxihii weerarkan ka danbeeyay, waxeyna mudo kooban xanibeen isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Kooxda Al-Shabaab oo laga saaray deegaano badan oo ku hareereysan caasimadda ayaa mudooyinkan culeys soo saartay magaalada Muqdisho, waxaana u danbeeyay weerarkii 23ka saacadood socday ee Shabaab ku galeen hoteelka Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada.