Dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iska soo horjeeda oo ka socda Garowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in si weyn magaalada looga dareemay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda kuwaasoo u dhaxeeya Xildhibaano mucaaradsan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo garab taageersan Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Yuusuf ayaa qorsheynaya inay xasaanada kala laabtaan illaa 8 Xildhibaan mucaarad ah.

Xildhibaano taageersan Guddoomiyaha ayaa qeyb ka ah qorshaha xil ka xayuubinta Xildhibaannada mucaaradsan Guddoomiyaha

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano kale ay mooshin ka wadaan Guddoomiyaha, si ay iyagan xilka uga tuuraan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay kala aragti duwanaan u dhaxeysay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Xildhibaano ka soo horjeeday qaabka uu u maamulayay habsami u socodka howlaha baarlamaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa saaka xiray waddooyinka soo gala xarunta baarlamaanka oo saaka la filayo inuu ka bilowdo kulan xasaasi ah.