Dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka dhan ah Qoorqoor oo ka socda Muqdisho

Waxaa saacadihii la soo dhaafay laga dareemay magaalada Muqdisho dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo maalin ka hor ka soo laabtay dalka Turkiga.

Dhaq dhaqaaqyadan ayaa waxaa waday siyaasiyiinta iyo xubnaha labada gole ee ka soo jeeda Galmudug, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda Guddigii doorashada Galmudug oo ay sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Nabadsugida.

Kulamo uu la qaatay Madaxweyne Qoorqoor xubnaha Xildhibaannada labada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug ee ku sugan Muqdisho ayaa weli wax natiijo ah ka soo bixin.

Hase ahaatee xubnaha Xildhibaannada mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug ayaa laga soo xigtay in aanay aqbali doonin Guddiga uu soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor  inuu doorasho ka qabto Galmudug, illaa guddiga noqdo guddi madax banaan.

Wararka ayaa sheegaya kulankii u dambeeyay oo uu Madaxweyne Axmed Qoorqoor la yeeshay xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug looga dalbaday inuu ka laabto Guddigii doorashada uu soo magacaabay oo ay saluugsan yihiin, kuna tilmaameen inuu yahay Guddi uu soo magacawday Taliyaha Nabadsugida.

Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegaya inuu weli ku adkeysanayo Guddigii uu magacaabay, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda uu dib ugu laabto Dhuusamareeb