Dib u dhac ku yimid doorashadii Aqalka Sare ee magaalada Jowhar

1,193

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu dib u dhac uu ku yimid doorashada Aqalka Sare ee ka socotay magaalada Jowhar.

Dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka Sare ee magaalada Jowhar ayaa lala xiriirinayaa khilaaf soo kala dhex galay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle iyo guddoonka Baarlamaanka.

Khilaafkan ayaa waxa uu salka ku hayaa mid ka mid ah kuraasta taasoo uu ka biyo diiday in la qabto guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheekh Isxaaq.

Warar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Guddoomiye ku xigeenka Siraaji uu gacan ka hadal xalay ku dhex maray taasoo cirka ku sii shareertay khilaafka.

Kursiga uu khilaafku ka taagan yahay ayaa hore loo qorsheeyay in ay doorashadiisu dhacdo shalay hase yeeshee waqti dambe ayaa dib loo dhigey.

Musharaxiinta kursigan oo kala ah Xasan lidow Muxumed Kobac, Cusmaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur ayaa loo arkaa inuu yahay mid tartan xoog leh uu ka dhex jiro.

Doorashada ka socota magaalada Jowhar ayaa ah mid xilliyada habeenkii la qabto iyadoo maalintii oo dhan ay musharaxiinta wadaan olole ay ku doonayaan inay ku helaan kalsoonida xildhibaanada.

Xalay ayaa waxaa dib loogu doortay Senatar Dr Cusmaan Maxamuud Dufle kadib markii uu wareegii labaad uu helay codad gaaraya 68 cod isagoo ka guuleystey musharaxiintii la tartamaysay ee kala ahaa Raagge Xasan Xuuti iyo Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.