Digniin laga soo saaray duufaan ku soo wajahan dhulka xeebaha

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay duufaan ku soo wajahan deegaanada dhaca Xeebaha, kaasoo ka imaanaya dhanka Badweynta Hindiya.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in sida saadaashu sheegeyso in dabeylo laga yaabo inay ku dhufato jihada waqooyi bari ee dalka, sidaas darteed xawaare u dhaxeysa 95-110 kiilometer ay saacadii jareyso

Dadka ku dhaqan dhulka xeebaha iyo kalluumeysatada ayaa looga digay saameynta duufaantaas.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka:-