Diyaarad ay saarnaayeen wafdi ka socda Imaaraadka oo loo diiday inay ka degto Garacad

Wafdi ka socday wadanka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa loo diiday in ay ka gaaraan deegaanka Garacad oo kat irsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug maamulka Puntland.

Dadweyne ka soo jeeda deegaanka Garacad ayaa la sheegay in ay ka hor yimaadeen in diyaaradda ay saarnaayeen wafdiga Imaaraatka iyo masuuliyiin katirsan Puntland ay ka degto garoonka diyaaradaha deegaankaas.

Diyaaradda ayaa dib ugu laabatay magaalada Garowe oo ay markii hore kasoo kacday,iyadoo aan la ogeyn sida ay ka yeeleyso falkan maamulka Puntland.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa lagu sheegay in ay kormeer ku sameeyaan dekeda Garacad laga dhisayo taasoo ah deked isku tashi ah lagu dhisayo.

Maamulka Puntland ayaa deegaankaas xalay geysay ciidamo ka tirsan kuwa mariiniska oo uu Imaaraatku taageero, kuwaas oo loo geeyay in ay sugayaan ammaanka wafdiga Imaaraadka Carabta.