Diyaarado duqeeyay deegaan ka tirsan gobolka Bakool

duqeyn

Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Bakool.

Duqeyntan ayaa la sheegay in lala beegsaday fariisin ay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab deegaanka Ma’madoow oo 40km u jira degmada Xudur ee magaalada madaxda gobolka Bakool.

Dowlada Federalka ayaa sheegtay in duqeyntan lagu diley saraakiil oo ka tirsanaa Al-Shabaab,hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Maraykanka oo badanaa duqeymaha ka geysta dalka Soomaaliya.

Gobolka Bakool ayaa waxaa saran go’odoomin ay saareen dagaalamayaasha Alshabaab iyadoo cunto yari baahsan ay ka jirto degmooyinka hoos taga gobolka Bakool.