Ka dib shan sano oo uu urinayay miinooyinka dhulka lagu aaso iyo walxaha qarxa ee Kambodiya ayuu dooliga lagu magacaabo Magawa uu noqday hawlgab.
Jiirkan weyn ee ka soo jeeda qaarada Afrika gaar ahaan dalka Tanzania ayaa waxaa tababartay hay’ad samafal ah oo dalka Belguim laga leeyahay lana ah yiraahdo APOPO, si uu u kashifo miinooyinka dhulka lagu aaso, kadibna si ammaan ah looga soo saaro.
Magawa waxuu nadiifiyay in kabadan 141,000 oo mitir murabac ah oo dhul ah, oo u dhiganta ilaa 20 garoon kubada cagta ah lagu ciyaari karo, waxana uu uriyay oo uu kashifay illa 71 miino oo dhulka lagu aasay iyo 38 walxaha qarxa oo aan qarxin, sida ay sheegtay APOPO.
Dooligan ama jiirkan ayaa ku guuleysatay abaalmarinta ugu sareysa ee samafalka Britishka sanadkii la soo dhaafay.
“In kasta oo weli caafimaadkiisu wanaagsan yahay, haddana wuxuu gaaray da’da hawlgab oo wuxuu si cad u bilaabay inuu gaabiyo,” ayuu yiri sarkaal u hadlay hay’adda APOPO.
Magawa waa uu qayb ka ahaa koox jiir ah oo loo tababaray kashifista miinooyinka, Waxana uu ku dhashay jirkan dalka Tansaaniya sanadkii 2014, waxaana la geeyay dalka Cambodia sanadkii 2016kii.
Hay’adda APOPO waxay ka shaqeysaa barnaamijyada Angola, Zimbabwe iyo Mozambique si loo nadiifiyo malaayiin miino oo looga haray dagaalada iyo colaadaha.
In ka badan 60 milyan oo qof oo ku nool 59 waddan ayaa weli waxa ay halis ugu jiraan miinooyinka dhulka lagu aaso iyo walxaha qarxa. Sanadkii 2018, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo haraadiga kale ee dagaalka waxay dileen ama dhaawaceen 6,897 oo qof, sida ay sheegtay hay’addan APOPO.
































