Doorashada Aqalka Sare oo ka bilaabatay magaalada Kismaayo (Sawiro)

600

Waxaa goor dhow ka bilowday magaalada Kismaayo doorashada xubnaha Aqalka Sare iyadoo codeynta haatan ka socoto magaalada Kismaayo ay ku tartamayaan Ilyaas Badal Gaboose iyo Maxamed Axmed Sayid.

Xildhibaanada ayaa codadkooda dhiibanaya iyadoo la filayo in natiijada doorashadana lagu dhawaaqo goor dhow marka ay codeynta iyo tirinta ay dhamaato.

Kala soco jowhar.com natiijada doorashada aqalka sare ee ka socota magaalada Kismaayo