Doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo maanta si rasmi ah u billaabatay

May. 25 (Jowhar.com)-Puntland waxaa saaka ka billowday doorashada golaha deegaanka ee beryahan la sugayey. Guddida KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashada illaa saddex degmo oo ay ku jirto caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shacabka, ayaa dooranaya Xildhibaanada golayaasha degmooyinka, oo ay horey usoo xuli jireen Odayaasha dhaqanka iyo dawladdu.

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen 3 degmo oo gobalka Nugaal, ka tirsan oo ay ka dhici lahaayeen doorashooyinka golaha degmooyinka.

Waxay sheegeen in ay qiimeeyeen xaaladda degmooyinkan, ayna waqti siiyeen dadaalada Isimadda, waxgaradka dhaqanka iyo in is afgarad looga gudbo tabashada jirtay, balse lagu guuldareystay.

1- Garoowe  2- Dangoroyo 3- Godobjiraan

Waa Talaabo Taariikhi ah, taas oo xujo kunoqonaysa Soomaaliya-da Koonfurta dalka, oo ay doorashooyinkan saameyn doonaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wasiirkiisa koowaad ayaa dhawaan sheegay in ay doorashooyinka halis yihiin oo ay deegaanada Puntland, burbur u horseedayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More