Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo bilaabatay

April 26 (Jowhar.com) – Waxaa xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho goor dhow ka bilaabatay doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo labadiisa kuxigeen, iyada oo ku tartamayaan ilaa 12 Musharrax.

Doorashadan oo si gaar ah indhaha loogu hayo ayaa waxaa ku sugan hoolka ay ka dhacayso Xildhibaannada Aqalka Sare, Musharrixiinta, Xildhibaano korjoogto ka ah doorashada, kuwaas oo ka socda Golaha Shacabka iyo marti sharaf kale, waxaana codeynta ay tahay mid qarsoodi ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More