Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo muddo sanad ah ka soo wareegatay

997

Waxaa maanta oo taariiqdu tahay 11ka November 2021 ay ku beegan tahay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay doorashadii Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar ee lagu doortay magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Sanadguurada koowaad ee doorashada madaxdan ayaa ku soo beegantay xilli ay labada mas’uul ka maqan yihiin dowlad goboleedka Hirshabelle iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo sanad kahor cod aqlabiyad leh ay ugu doorteen xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa lagu dhaliilaa inay la mid noqdeen madaxdii ka horeysay ee Hirshabelle soo martay kuwaasoo waqtigooda intiisa badan ku qaadan jirey caasimada dalka ee Muqdisho.

Mudada sanadka ah ee ka soo wareegatay doorashada ayaan hirgelin qorshayaal badan oo ay madaxda Hirshabelle ku soo bandhigeen ololihii doorashadooda.

Hase yeeshee waxaa lagu amaanaa madaxda Hirshabelle inay u qabteen doorashada Senatarada Aqalka Sare ee ka dhacday Jowhar si ka wanaagsan doorashadii lagu qabtay dowlad goboleedyada kale ee dalka ka jira.

Waxqabadka Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa laga xusi karaa inuu ka dhabeeyay ballanqaadkiisii ahaa in si dhaqso ah uu uga hirgelinayo Hirshabelle Taleefishin uu leeyahay maamulkiisa taasoo suurtogashay 17kii Febraayo ee sanadkan 2021ka in xariga laga jaro taleefishinka Hirshabelle.

Si kasta ha ahaatee Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa horyaala inay wax u qabtaan shacabka ku nool dowlad goboleedka Hirshabelle kuwaasoo dib u dhac weyn uu ka jiro dhinac walba.