Doorashada Labo Kursi Aqalka Sare oo maanta ka dhacaysa magaalada Jowhar

1,312

Doorashada labo kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee metelaadiisu tahay Hirshabelle ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa waxaa hore loogu doortay afar kursi.
Musharaxiinta maanta tartamaya ayaa kala ah:

1- Cali Shacbaan Ibraahim,
2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir,
3. Cabdullahi Axmed Tawaad,
4. Caasho Xuseen Abuukar,

5. Cabdalle Cabdi Xuseen

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah;

1-Maxamedamiin Sheekh Cismaan,
2-Daaha Muxidiin Sheekh Daa’uud.
3- Axmed Maxamed Cali”Afcadey”
4-Yuusuf Maxalin Xasan “Filadheere”

Kursiga saddexaad ee lagu tartamayo ayaa kala ah;

Hase yeeshee, waxaa weli khilaaf uu ka taagan yahay kursiga afaraad ee dib loo dhigey, Labo kamid ah musharaxiinta kursigan ayaa isaga tegey magaalada Jowhar iyagoo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho waxana ay ku eedeeyeen madaxda Hirshabelle inay farogelin ku hayaan kursigaas.