Doorashada Xiliga Dhexe oo ka bilaabatay dalka Maraykanka

USA-ELECTION/PENNSYLVANIA

Nov. 08 (Jowhar.com)-Codbixintii ugu horreysay ayaa ka bilaabatay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka, taasoo go’aamin doonta qaabka uu noqon doono Congress-ka soo socda, isla markaana dejin doona nidaamka inta ka hartay muddada Madaxweyne Joe Biden ee Aqalka Cad.

Codbixintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dadka Maraykanku ay la daalaa-dhacayaan sicir-bararka cirka isku shareeray iyo qiimaha maciishadda, waxaana soo baxay in dhaqaalaha uu yahay walaaca ugu badan ee ay qabaan taageerayaasha labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.

Dimuqraadiyiinta ayaa hadda haysta aqlabiyad aad u yar oo Congress-ka ah, waxayna diiradda saareen inta badan ololaha difaaca xuquuqda taranka iyo xoojinta hay’adaha dimoqraadiyadda, oo ay ku doodaan inay khatar ku yihiin dalka.

Laakiin maadaama uu yahay xisbiga talada haya, waxaa la filayaa inay lumin doonaan qaar ka mid ah kuraastooda iyadoo xisbiga Jamhuuriga uu arrimaha socdaalka iyo dhaqaalaha xoogga saaray si ay taageero uga helaan sanduuqa codbixinta.

Dhammaan 435-ta kursi ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa loo tartamayaa, iyadoo ay weheliyaan 34 kursi oo senate-ka ah. Guddoomiyeyaasha gobollada, sharci-dejinta gobolka, golayaasha deegaanka iyo guddiyada dugsiyada.
Madaxweyne Joe Biden waxa uu qiray saacado ka hor inta aan doorashada la furin in ay adkaan doonto sidii ay Dimuqraadiyiinta ku sii haysan lahaayeen Aqalka.

In ka badan 41 milyan oo Mareykan ah ayaa horey codkooda uga dhiibtay dalka oo dhan, ha ahaato warqadaha boostada lagu soo diro, marka loo eego tirinta uu sameeyay Mashruuca Doorashooyinka Mareykanka ee Jaamacadda Florida.

Shirkadda codbixinta ee Gallup ayaa sheegtay horraantii bishan in boqolkiiba 41 codbixiyaasha Maraykanka ee xaqa u leh ay ku talagaleen in ay codkooda dhiibtaan goor hore, halka ay ahayd 34 boqolkiiba 2018.

Boqolkiiba 54 ee Dimuqraadiyiinta ayaa sheegay in ay codayn doonaan Talaadada ka hor, marka la barbardhigo boqolkiiba 32 ee Jamhuuriga, isla codbixin la helay.

Marka laga soo tago arrimaha socdaalka, xuquuqda taranka iyo dhaqaalaha, codbixiyaasha Mareykanka ayaa sheegay in amniga dadweynaha, xakameynta hubka iyo dhibaatada cimilada ay ka mid yihiin arrimaha ugu sarreeya maskaxdooda marka ay codkooda dhiibanayaan.

Dhanka kale, qaar ka mid ah goobjoogayaasha ayaa walaac ka muujiyay caqabadaha hortaagan codbixinta, gaar ahaan gobollada ay ku badan yihiin dadka Afrikaan Ameerikaanka ah iyo dadka kale ee taariikh ahaan la takooro, maadaama dhowr gobol oo Mareykan ah ay soo saareen xayiraad sannadihii la soo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More