Dowaldda oo sheegtay in 19 Shabaab ah lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho

Oct. 07 (Jowhar.com) -Ciidanka Dowladda ayaa 19 dagaal yahan oo ka tirsan Al-Shabaab ku dilay Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa Basra iyo Balcad, ka dib markii ay xalay isku soo aruursadeen tuuladaas, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin.

Sida Afhayeenka uu sheegay, Ciidamada oo helay xogta Shabaab ayaa waday roondo xiliga uu dagaalku dhacay, waxaana ciidamadu ay wali ku raad joogaan firxadka kooxdaas.

Shabaab war ay ku baahiteen bartooda Telegram-ka waxey ku sheegeen in 12 askari ay dagaalkaasi uga dhaawacmeen, ayna la wareegeen fariisimi ay ciidanadda dowladda ku sugnaayeen.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa si joogta ah howlgalo uga sameeya inta u dhaxaysa degmooyinka Balcad ilaa iyo Afgooye, tan iyo markii ciidamadu Argagixisada ay ka saareen deegaanka Basra oo laga soo abaabuli jiray dhibaatooyinka argagixisada ay ka gaystaan magaalada Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More