Dowlada Ethiopia oo ka hadashay xaalada caafimaad ee Abiy Ahmed

Dowlada Ethiopia ayaa ka hadashay warar maalmahan ku faafay baraha bulshada oo sheegayay in caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu liito.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku tilmaamay warkaas inuu yahay been abuur iyadoo loogaga digey shacabka inay rumeystaan wararka lagu faafiyay baraha bulshada.

“Waxaan ka codsaneynaa shacabka inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee laisla dhexmarayo baraha bulshada ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee Abiy Axmed” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Facebook.

Dowlada ayaana faah faahin ka bixin shakiga la galinayo xaalada caafimaad ee Ra’isul Wasaare Abiy, dadka qaar ayaana aaminsan in ay wax ka jiraan warkan sida weyn baraha bulshada ugu baahay ayna dowlada wax qarineyso.